Maamulaha wershadaha iyo Gaadiidka – Garowe

  • Garowe
  • Full time
  • 5 months ago
  • / Monthly

Job Information

  • icon
    Category
  • icon
    Shift
  • icon
    Posted On Mar 18 ,2021
  • icon
    No. of Openings 1 opening
  • icon
    Job Level :
  • icon
    Job Experience :

Job Description

Horudhac:

Shirkadda Emaad Construction and Real Estate waxaa ka bannaan Boos Maamulaha wershadaha iyo Gaadiidka shirkadda xarunteeda dhexe ee Garoowe.

Shuruudaha laga doonaya qofka codsanayaa booska maamulaha wershadaha iyo gaadiidka

  1. Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo la xiriirta Wershadaha iyo Gaadiidka ugu yaraan toddobo sano.
  2. Waa inuu leeyahay khibrad maamul, soona maamulay Wershado iyo Gaadiid sida Wershadaha Jay (Crusher), Shubka (Batching Plants), Bulukeeti (Blocks), iyo dhammaan wershadaha la xiriira dhismaha.
  3. Waa inuu leeyahay aqoon maamul (Miisaaniyadda, Qorshaynta, Beekhaaminta iyo maamulka shaqaalaha).
  4. Waa inuu khibrad u leeyahay qalabka loo isticmaalo Wershadaha iyo Gaadiidka dalbina karaa qalabka loo baahdo.
  5. waa inuu aqoon u leeyahay hannaanka badbaadada (Health and Safety at work).
  6. Waa inuu aqoon u leeyahay adeegsan karaana computer-ka (Microsoft office suit programs).
  7. Waa inuu awood u leeyahay hannaan isla xisaabtan, tusaalana u noqon karaa shaqaalaha uu maamulayo.
  8. Waa inuu leeyahay hogaamin, go’aan qaadasho iyo dad la dhaqan.
  9. Waa inuu haysto shahaado Dugsi Sare, wixii ka sareeyana waxay leedahay tixgelinteeda.
  10. Waa inuusan wax balwad ah lahayn.

Waraaqda Codsiga iyo Taariikh noolaleedka shakhsiga waxaa lagu soo diri karaa Emailka Shirkadda oo ah Emaadinfo@golis.so laga bilaabo Isniinta 15 March 2021 kuna eg Arbaco 31 March 2021 amase ku soo hagaaji Xafiiska Shirkadda oo ku yaalla dhabarka dambe ee New Sagal Hotel Garowe. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir 907792500 ama 907792282.

Xasuusin: Xarunta Shirkadda Emaad wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaa darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original documents), waa inaad usoo qaadataa waraysiga (Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Maamulaha wershadaha iyo Gaadiidka

Skills: