Maareeye Guud – Garowe

  • Garowe
  • Full time
  • 10 months ago
  • / Monthly

Job Information

  • icon
    Category
  • icon
    Shift
  • icon
    Posted On Mar 24 ,2020
  • icon
    No. of Openings 1 opening
  • icon
    Job Level :
  • icon
    Job Experience : 4 sano

Job Description

Maareeye Guud - Garowe

XOG KOOBAN

Shirkadda Rugsan waa shirkad yar oo ka ganacsata noocyada hilibka, Maareeyaha Guud ee shirkadda wuxuu mas’uul ka noqonayaa dhamaan arrimaha istaraatiijiyadda, maaliyadda, maamulka, suuqgeynta, adeegga iyo qancinta noocyada macaamiisha, maamulka shaqaalaha, xiriirka bulshada.

WAAJIBAADKA IYO MAS’UULIYAADKA ASAASIGA AH 

Waajibaadka iyo mas’uuliyaadka asaasiga ah ee shirkadda waxaa ka mid ah:

Istaraatiijiyadda Ganacsi:

  • Wuxuu sare u qaadaa higsiga, himilada iyo qiyamka shirkadda Rugsan
  • Wuxuu masuul kayahay ballaarinta ganacsiga shirkadda isaga oo kordhinaya macaamiisha iyo goobaha iibinta
  • Wuxuu hogaamiyaa dajinta, hirgaliyaa si joogto ahna u qiimeeyaa qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee shirkadda oo ka mid yihiin ahdaafta mustaqbalka.
  • Wuxuu hogaamiyaa maamulka shaqaalaha iyo maamulayaasha asaga oo isku dubariada dhamaan hawlaha shirkadda oo ka mid tahay qorshe dejinta, diyaarinta miisaaniyadda, horumarinta xiriirka bulshada iyo qiimaynta hawlgudashada shaqaalaha
  • Wuxuu u warbixinayaa Guddiga Sare ee Maamulka shirkadda iyo xog ka jeedinta dhamaan shirarka Guddiga iyo Golaha Asaasayaasha.

Hawlgalka:

  • Korjoogidda dhamaan hawlgallada shirkadda, si dhaw ula socodka, maamulidda jadwallada shaqo iyo xallinta wixii caqabado ah
  • Muraajacaynta iyo hubinta wixii kharashaad ah, xogta iibka maalin walba iyo dabogalka daymanka
  • Muraajacaynta dhamaan waxqabadka maamulayaasha ee todobaad kasta, xallinta hawlaha taagan iyo aqoonsiga wixii horumar la gaaro
  • Qiimaynta wixii khatar (risk) ah iyo ilaalinta dhamaan hantida shirkadda
  • Ilaalinta iyo dayac ka ilaalinta wixii hanti lacag ah iyo mid lacag ahaynba.
  • Hindisidda, soo jeedinta iyo hirgalinta wixii mashaariic cusub ah ee lagu ballaarinayo shirkadda oo ay ka mid tahay dabagalka iyo qiimaynta
  • Hubinta in si tayo leh oo deg-deg ah loogu adeego dhamaan noocyada kala duwan ee shirkadda.
  • Qiimaynta dhamaan agabka shirkaddu u baahan tahay in ay soo iibsato iyo ka shaqaynta sidii loogu heli lahaa qiimaha ugu jaban iyo tayada ugu wanaagsan ee lagu heli karo.
  • Hogaaminta iyo dhamaan shirarka maamulayaasha iyo shaqaalaha.

Suuqgaynta: 

  • Raadinta mar walba suuqyo cusub iyo fursado cusub dalka oo idil iyo shirkadda mar walba lahaato magac iyo adeeg dadka soo jiita
  • Korjoogidda dhamaan hawlaha suuqgaynta ee shirkadda, sida istaraatiijadaha suuqgeynta, xayeysiimaha, munaasabadaha, qaybinta qoraalada iyo adeegsiga noocayada kala duwan ee lagu gudbiyo farriimaha suuqgalinta
  • Wuxuu mas’uul ka yahay xoojinta xiriirka macaamiisha oo ay ka mid tahay xallinta cabashooyinka, xogsiinta iyo wacyigalinta macaamilka iyo qiimaynta baahiyaha macaamiisha

Horjoogidda Shaqaalaha:

  • Hogaaminta maamulayaasha, kooxaha shaqo iyo shaqaalaha shirkadda 
  • Wuxuu mas’uul ka yahay shaqaalaynta, dhiirigelinta, tababaridda, anshaxmarinta, qiimeynta hawgudashada shaqaalaha shirkadda

  • Qiimaynta baahiyaha shaqaale ee shirkadda si loo hubiyo in shirkaddu hisho shaqaale leh tayadii iyo tiradii shirkaddu u baahnayd

Iskaashiga: 

  • Hubinta in shirkaddu xiriir iyo iskaashi wanaagsan la leedahay dhamaan hay’adaha ku shaqada leh noocyad ganacsiga ee shirkadda iyo shirkadaha kale ee bahwadaagta yihiin.
  • La kulanka madaxda shirkadaha kale sii loo ogaado baahidooda iyo sidii Rugsan uga faa’iidaysan lahayd badeecooyinkooda iyo adeegyadooda.
  • Kala shaqaynta Guddiga xiriirka iyo la shaqaynta hogaamiyaasha bulshada iyo deegaanka iyo in shirkaddu ka qaybqaadato horumarka bulshada
  • Kala shaqaynta Guddiga in shirkaddu ka dhexmuuqato bulshada iyo ka qaybqaadashada shirarka bulshada si loo muujiyo magaca iyo kaalinta shirkadda.

U Hogaansanka Sharciga: 

  • Wuxuu mas’uul ka yahay inuu hubiyo in shirkaddu u hogaansato dhamaan shuruucda iyo xeerarka kuwo federaal, kuwo gobol iyo kuwo deegaanba.
  • Hubinta in shirakaddu u hogaasanto dhamaan shuruudaha xagga caafimaadka, badbaadada, nadaafadda iyo xuquuqda shaqaalah iyo macaamiisha
  • Hirgalinta siyaasadaha shirkadda, sida siyaasadda maaliyadda, shaqaalaha, suuqgaynta, nadaafadda iyo caafimaadka iy ta u adeeggida macaamilka.

Xisaabaadka iyo Maaliyadda: 

  • La shaqaynta bangiyada, la socodka xisaabaadka shirkaddu ku leedahay bangiyada, la socodka dhaqdhaqaaqa xisaabaadka shirkadda iyo ka jawaabidda wiixi su’aalo ah oo la xiriirka xisaabaadka
  • Hagidda shaqada xisaabiyaha iyo khasnajiga shirkadda iyo hubinta in dhamaan arriamaha maaliyadda iyo hawlgaladeedu yihiin kuwo dabagal lagu sameeyo sanad walba
  • Abuuridda shuruudaha qoondaynta miisaaniyadeed, dajinta miisaaniyadda shirkadda, la socodka kharashaadka iyo muraajacaynta dhamaan warbixinada maaliyeed ee shirkadda.
  • Wuxuu mas’uul ka yahay dhawrista dhamaan nuqullada iyo qoraalada maaliyadda iyo hubinta in warxinada loo soo gudbiyo si sax ah, dhamaystiran oo muddaysan.

Maamulka Wakiilada iyo Faracyada Shirkadda: 

  • Wuxuu mas’uul ka yahay abuuridda xarumo cusub iyo wakiilo
  • Ka gacansiinta wakiilada iyo faracyada shirkadda arrimaha suuqgeynta, abuuridda iyo u adeegidda macaamiisha, helidda qalab iyo agab shaqo, maamulka xisaabaadka, hawl-socodsiinta iyo u hogaansan shuruucda
  • Gudashada wixii shaqao ah ee Guddigu u xilsaaro

SHURUUDAHA AQOONEED IYO WAAYO-ARAGNIMO

Maareeyaha Guud waxaa looga baahan yahay shuruudaha soo socda si uu ugu guto xilkiisa si hufan oo tayo leh.

Heerka waxbarasho iyo waayo-aragnimo: 

  • Shahaado jaamacadeed ku haysta maamulka iyo maaraynta ganacsiga, caafimaadka xoolaha ama takhasus la xiriira iyo waayo-aragnimo 5 sano oo la xiriirta shaqada
  • Waayo aragnimo maamul shaqaale
  • Khibrad seddex sano aan ka yarayn oo ku saabsan adeegga maacaamiisha

Xirfadaha 

  • Ku fiican qoraalka, ku hadalka iyo akhriska afafka Soomaaliga iyo Ingiriisiga
  • Aqoon sare u leh adeegsiga kumbuyuutarada, sida  Microsoft Word, Excel, PowerPoint and Outlook
  • Xirfad u leh maamulka xisaabaadka, dib u eegisteeda iyo falanqeynteeda

Kartiyaha 

  • Xirfad koox hogaamin
  • Dad la dhaqan wanaagsan
  • Hal-abuur iyo himilo sare
  • Hufnaan sare
  • Gaari kara go’aamo adag iyo qiimaynta khataraha
  • Leh xirfado dad maamul

DURUUFAHA SHAQADA 

  • Shaqo xafiiseed
  • Safaro u bixid
  • Booqashooyin goobo shaqo oo kala duwan iyo iyo ka qaybgal kulamo shaqo oo ka baxsan xafiiska

Xiriir

Waxaa lala soo xiriirayaa oo keliya murashixiinta la xusho, fadlan u dir codsiga shaqada, Cvgaaga, shahaadooyinkaaga iyo wixii dukuminti ah oo la xiriira emailkan rugsancom18@gmail.com iyo mfaahiye15@gmail.com

Xayaysiintu waxay ku egtahay 18:00pm 29 March 2020

Skills: