Madaxa Ganacsiga iyo suuq-geynta – Garowe

  • Garowe
  • 2 months ago
  • / Monthly

Job Information

  • icon
    Category
  • icon
    Shift
  • icon
    Posted On Mar 18 ,2021
  • icon
    No. of Openings 1 opening
  • icon
    Job Level :
  • icon
    Job Experience :

Job Description

Horudhac:

Shirkadda Emaad Construction and Real Estate waxaa ka bannaan Boos Ganacsi iyo suuq-geyn ah. xarunta dhexe ee Garoowe.

Shuruudaha laga doonaya qofka codsanayaa booska Ganacsiga iyo suuq-geynta:

  1. Waa inuu haysto ugu yaraan shahaado Jaamacadeed oo la aqoonsan yahay. (Haddii uu haysto/haysato shahaado heerka labaad ah (Master Degree) waxay u noqonaysaa tixgelin dheeriya).
  2. Waa inuu leeyahay khibrad ganacsi iyo suuq-geyn oo aan ka yarayn todobo sano.
  3. Waa inuu ku fiican yahay qoridda warbixinnada Soomaaliga iyo Ingiriiska.
  4. Waa inuusan haba yaraatee lahayn wax balwad ah.
  5. Waa inuu yahay qof ammaannada ku sifaysan.
  6. Waa inuu leeyahay dabeecad fiican oo dhaqan ahaan uga muuqata.
  7. Waa inuu sumcad fiican ku leeyahay bulshada dhexdeeda.
  8. Waa inuu kala yaqaan bulshada iyo deegaanka.
  9. Waa in uu diyaar u yahay inuu shaqeeyo xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan oo kamid ah xarumaha Emaad.

Waraaqda Codsiga iyo Taariikh noolaleedka shakhsiga waxaa lagu soo diri karaa Emailka Shirkadda oo ah Emaadinfo@golis.so laga bilaabo Isniinta 15 March 2021 kuna eg Arbaco 31 March 2021 amase ku soo hagaaji Xafiiska Shirkadda oo ku yaalla dhabarka dambe ee New Sagal Hotel Garowe. Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir 907792500 ama 907792282.

Xasuusin: Xarunta Shirkadda Emaad wixii waraaqo ah ee la keeno xafiiska dib looma celinayo, sidaa darteed ha kusoo darin waraaqaha asalka ah (Original documents), waa inaad usoo qaadataa waraysiga (Interview) si haddii loo baahdo aad usoo bandhigto.

Madaxa Ganacsi iyo suuq-geyn

Skills: